Hubeynta Federaalka Ee Galmudug Oo Horseed U Noqotay Sii Hurinta Dagaalada Gobalada Dhexe Ee Somalia.

0
484

Dowladda Soomaaliya ayaa dar dar
gelisay hubeynta iyo taageerada militari oo ay u
fidineyso ciidamada maamulka dhawaan la
dhisay ee Galmudug kuwaasi oo dagaal kula jira
kooxda Ahlusunna Wal Jamaaca ee maamulka
ka dhistay Dhuusamareeb.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa saad militari oo ay ku
jiraan hubka fudud, rasaas iyo gaadiidka dagaalka
laga qaaday kaydka hubka ee magaalada
Muqdisho iyo xarunta NISA la geeyey magaalada
Cadaado, waxaa sidoo kale maalmihii lasoo
dhaafay socday dadaal darees loogu qeybinayo
maleeshiyaadka uu maamulka Galmudug doonayo
inuu kula wareego qeybo kamid ah gobalka
Galgaduud.

Abaanduulaha Ciidamada Federaalka Soomaaliya
ee qaybta 21aad Col.Cabdullaahi Aadan Xuseen
(Cirro) oo booqasho ku tagay magaalada
Caabudwaaq ayaa darees iyo rasaas ugu geeyey
maleeshiyaadka taageersan maamulka Galmudug
ee magaaladaasi kula dagaalamay xoogaga Ahlu
Sunna Waljamaaca.

Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horey
uga digay dhaq dhaqaaqa xukuumada Federaalka
ku hubeenayso maamulka Galmudug ayaa
sheegtay inay iska difaaci doonto abaabulo uu
doonayo maamulka Galmudug inuu kula wareego
magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Federaalka Soomaaliya oo kaliya ayaa
ah maamulka kaliya ee si KMG ah looga qaaday
cunaqabateynta hubka ee saarneyd dalka
Soomaaliya, go’aankaasi Qaramada Midoobay
ayaa ahayd shardi in aan hubka gacanta loo gelin
maleeshiyaad ama ciidamo ka baxsan kuwa
Dowlada Soomaaliya.

Guddiga Qaramada Midoobay ee Kormeerka
Soomaaliya iyo Eritereya ayaa horey ugu sheegay
warbixinadoodii hore in hubka lagu wareejiyey
dowlada Federaalka in qeyb kamid ah u gacan-
gashay kooxda Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale horey loogu eedeeyey Dowlada
Federaalka in hubkeeda ay qabaa’ilo si gaar ah u
adeegsadeen dagaaladii qabaa’ilka ee ka dhacay
gobalada Hiiraan, Sh.Dhexe, Shabeelada Hoose
iyo J/Hoose.

Hase yeeshee qalabeynta Galmudug ayaa
noqoneysa markii ugu horeysay oo si aan
qarsoodi aheyn ay dowlada Federaalka si gaar ah
u hubeyso maleeshiyaad ama ciidamo aan si toos
ah u hoos imaan dowlada dhexe ee Federaalka
Soomaaliya.