Qabri La Aaminsan Yahay In Uu Ku Aasanyahay Nabi Yusuf Oo La Gubay.

0
477

Falastiiniyiin ayaa dab qabadsiiyay goob
barakaysan ee Yuhuuda ee Daanta Galbeed ee
magaalada Nablus, iyadoo ay sii kordhayso
xiisada u dhaxaysa labada dhinac.

Dad ayaa dab qabadsiiyay qabri ay Yuhuuda iyo
Muslimiinta ay aaminsan yihiin inuu ku duugan
yahay Nabi Yusuf.

Dab damiyayaasha ayaa
damiyay dabka laakiin meesha ayaa qasaaro
xoog leh uu soo gaaray.

Waxay dhacday saacado kadib, markii
Ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu
ugu baaqay hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta
inay joojiyaan weerarka.

Waxaa jiray weerar mindiyeen ku dhawaad maalin
walba ee ay Falastiiniyiinta qaadayaan bishan,
iyadoo ay korortay weerarka labada dhinac.
Toddobo reer Israel ayaa la dilay tobanaan kalena
waa ay dhaawacmeen weerar mindiyeen iyo
toogasho.

Ugu yaraan soddon Falastiiniyiin ah oo ay ku
jiraan dadka weerarka qaaday ayaa ku dhintay.

Weerarka ayaa bilaabmay bishii hore markii xiisad
ay ka dhalatay goobaha barakaysan ee Yuhuuda
iyo Muslinka ee Jerusalem, kadib markii ay soo
baxeen warar in Israel ay qorshaynayso inay
kordhinayso xuquuqda dadka Yuhuuda ee
goobaha barakaysan.

Israel ayaa si joogta ah u beenisay inay
qorshaynayso inay badasho sharciga hadda jira
oo ay kordhinayso xuquuqda dadkeeda ee
goobaha barakaysan.