Weerarka Ayaa lagu qaaday masjid ku yaal magaalada Sanca ee caasimadda Yemen Waxaana Halkaasi Ka Dhalatey Waxyeelo Isugu Jirta Dhimasho Dhaawac Iyo Bur Bur Soo Gaaray Guud Ahaan Dhismaha Masjidka.
Qaraxa Uu Fuliyey Ruux Naftii Hore Ah Kaasoo Isku Soo Xeray Walxaha Qarxa Ayaa Waxaa ku dhinteen 5-Ruux Tiro Intaa Kabadana Wey Ku Dhaawacmeen Sida Uu Inoo Xaqiijiyeen Goob jooge iyo shaqaalaha caafimaadka
Masjidka Uu Qaraxa Ka Dhacay Ayaa Lagu Magacaabaa (Balili) Waxaana maamuulaan falaagada xuutiyiinta shiicada Waxay sheegeen in ruuxa isqarxiyay uu qarax kale ka geystay albaabka dhimsmaha, kaddib markii dadkii cibaadeysanayay ay isku dayeen inay cararaan.
Weerarka ayaa dhacay intii la tukanayay saladda ciidda. Waxaa kaloo jiray dhowr qarax oo kale oo ay kooxda dowladda Islaamku ka geysteen magaalada Sanca, kuwaasi oo Shiicada u arka kuwa khilaafsan diinta Islaamka.
Falaagada Xuutiyiinta ayaa maamulo dhowr gobolka oo Yemen Ka Tirsan, waxayna sanad ka hor qabsadeen caasimadda Yeman Ee Sanca





