Boqolaal Ku Dhimatey Xajka,Kadib Isbuurasho Ka Dhacday Halkaasi.

0
321

Ugu yaraan 717 qof Xujaaj Ah ayaa Ku dhinteen ka dib markii xujaajtu ay is jiidheen, tirada dhaawaca ayaa maraysa 805 qof Waxa Uuna Shilkan ka dhacay (Mina) halkaasi oo xujaajtu ay samaynayeen dhagax-tuurka Sida Ay Inoo Xaqiijiyeen Saraakiisha Sucuudiga.
Xafiiska Gurmadka u qaabilsan dawladda Sucuudiga ayaa bogga ay ku leeyihiin barta Twitter soo dhigay sawirada iyo tirade dadka wax noqday Iyadoona laba ruux oo Soomaali ah ay ku jireen dadka dhintay.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay qaar ka mid ah dadka xajka gudanaya ay is-jiidhaan, iyada oo 25kii sano ee la soo dhaafay dad badan ay shilal noocan ah u dhinteen.

Tirada xujaajta sanadkan ayaa ku dhow laba milyan oo qof.
Shilkii noocan oo kale ahaa ee ugu darnaa ayaa dhacay sanadkii 1990 wakhtigaasi oo 1400 oo xaaji ay dhinteen..