Qasaaraha Weerarkii Madaxtooyada Oo Wararka Dheeraad Ah Laga Helay’ Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay.

0
523

Siddeed ruux oo Soomaali ah, Iyo 4 ajaanib ah ayaa la
sheegay inay dhinteen 21 kalena ay
dhaawacmeen, oo 9 ka mid ahna ay yihiin
ciidamada ilaalada gaarka ah ee Q.M
Soomaaliya, kadib markii gaari laga soo
buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku
qarxay agagaarka madaxtooyada
Soomaaliya caawa.

Dadka dhintay, ayaa laba ka mid ah waxa
la xaqiijiyay inay ahaayen rayid, halka
inta kalena ay askar ahaayeen. Sidoo kale
dadka dhaawacmay ayaa askar iyo
rayidba ay isugu jira.

Saraakiil ka tirsan cisbitaalka Madiina,
ayaa sheegay in loo keenay dhaawac
ahaan isbitaalka illaa iyo 23 ruux, oo labo
ka mid ahina ay goobta ku dhinteen.
Dhaawacyada, ayaa qaarkood darran,
sida ay saraakiishu sheegayaan.

Qaraxa oo xooggana darti, ayay dad
salaaddii Maqrib ku dukanayay masjid u
dhow madaxtooyada ku dhaawacmay.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay wafuuddii
shirka qaarkood ay madaxtooyada ka soo
baxayeen, halka kuwa kalena ay halkaasi
galayeen.

Gaari uu lahaa wakiilka QM u qaabilsan
Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa waxyeello
ka soo gaartay weerarka, waxana la
sheegaya in qaar kamid ah ilaaladiisa oo
Soomaali ahaa ay dhaawacmeen.

Ma cadda in weerarku uu
bartilmaameedkiisu ahaa Nicholas Kay,
hasa yeeshee wararka qaar waxay
sheegayaan in markii uu weerarka
dhacayay uu Kay ku sugnaa xarrunta
madaxtooyada, uuna dhacay qaraxa xilli
uu doonayay in uu madaxtooyada ka
baxo.

Dhacadaani, ayaa waxay imaaanaysaa
iyadoo maanta Muqdisho lagu soo gaba
gabeeyay shirkii wadatashiga ee
doorashada xigta dalka Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab, ayaa weerarkani Masuuliyadiisa
sheegatay.