Qarax Ay Ku Waxyeeloobeen Masuuliyiin Isugu Jirto Ajaaniib Iyo Soomaali Oo Caawa Fiidkii Ka Dhacay Albaabka Madaxtooyada Muqdisho.

0
515

Qaraxa oo dhacay lixdii maqrinimo ayaa loo
adeegsaday baabuur. Waxaa ku dhintay ugu
yaraan toddobo, ku dhawaad toban kalena
waa ay dhaawacantay.

Madaxtooyada, ayaa waxaa maalmihii ugu
danbeeyay ka socday shir hordhac u ah
wadatashiga qaran ee hanaanka doorashada
sanadka 2016.

Shirka waxaa ka qaybgalay madaxda
dowladda federaalka iyo maamul
goboleedyada.

Waxaa maanta shirka ka soo baxay war
murtiyeed, ay ku sheegeen in kulankooda ugu
horeeya uu dhaci doono 14 bisha Oktoobar, si
looga tashado qaabka ay u dhici doonto.