Gudoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug Oo Maanta Lagu Dhawaaqey.

0
565

Baarlamaanka maamulka lagu dhisaayo magaalada Cadaado ee Galmudug ayaa doortey gudoomiyaha cusub ee baaarlamaanka.

Waxaa ku tartamayey xilka gudoomiyaha baarlamaanka laba musharax oo kala ah Cabdullaahi Maalin Gaafow(Aasbaro) iyo Cali Gacal Casir waxa ayna ka soo jeedaan degmada Ceelbuur.

Waxa ay qaadatey doorashada laba wareeg, iyadoo ugu dambeen Cali Gacal Casir ay guusha raacdey kadib markii uu helay 45 cod, halka Cabdullaahi Maalin Gaafow uu helay 28 cod.

Waxa ay ahayd tirada guud ee codadka 84, iyadoo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la dooran doona bisha July 2015.