Wararka nagoo so gaaraya Deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Ururka Al-shabaab ku gowracay labo qof oo lagu kala sheegay gudoomiye ku xigeenkii Leego iyo mid ka mida Turjumayaasha saraakiisha AMISOM ee ku sugnaa Leego.
Warbaahin ku hadasha afka Al-shabaab ayaa warkan baahisay iyagoo soo xiganayey madaxda Al-shabaab waxayna sheegeen in Gudoomiye ku xigeenka oo lagu magaacbo Xasan Madayle ay weerar xalay qaadeen ku dileen.
Deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayaa maalintii shalay waxaa dagaal xoogan ku dhexmaray ciidamo katirsan AMISOM iyo Al-shabaab waxaana dagaalkaas khasaare ka soo gaaray sida wararka lagu helay AMISOM oo ay kaga geeryoodeen ilaa 70 askari.




