Waxaa maanta dekadda weyn ee magaala ganacsiga Puntland ee Bosaso ku soo xeratay dooni weyn oo ay la socdeen qaxooti ka soo qaxay dalka Yemen
Qaxootiga soo gaaray Bosaso ayaa tiro ahaan dhan 1679 qof oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin.
Waxa ay ka soo qaxeen qaxootiga magaalooyinka Sanca, Ticis iyo Mukalah, iyadoo ay u badnaayeen carruur iyo haween.
Waxaa ka muuqday qaarkood xanuuno kale duwan oo waxaa loo gudbiyey xarumaha caafimaadka magaalada, si xaaladooda caafimaad la kula tacaalo.
Bulshada qeybaheeda kale duwan ee ku nool Bosaso ayaa u kala harin soo dhaweenta qaxootiga oo waxaa ay shacabkaasi dhibaataysan kala hortageen biyo, cunto iyo dawo,
Waxaa loo soo gudbiyey xerada qaxootiga ee magaalada, si ay ugu sii nagaadaan ilaa laga gaarsiinayo gobolada ay ku wajahan yihiin.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay ee qaxooti ka soo qaxay Yemen ay soo gaaraan Bosaso.





