Jawiga uu ku furmay cod u qaadista mooshinkan ayaa dhaliyey muran soo kala dhex galay xildhibaanada taageersan mooshinka iyo kuwa ka soo horjeeda waxaana la xaqiijiyey in xildhibaanada qaar ay iskaga baxeen xarunta baarlamaanka.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad ayaa cod qaadista amray xili xildhibaanadu ay muran ku jireen waxaana codadkii la tiriyey mooshinka taageeray 132 xildhibaan oo ogolaaday in dib loo soo dhiso baarlamaanka Jubba.Waxaa ka soo horjeestay mooshinka oo diiday Afar xildhibaan waxaana ka aamusay Lix xildhibaan, Sidaasna gudoomiye Mahad Cawad wuxuu sheegay in baarlamaanku go’aan ka gaaray oo la kala diro baarlamaanka Jubba dibna loo dhiso baarlamaan laga qayb geliyey beelaha dega Jubba.
Mooshinkan oo soo socday ilaa bishii hore ayaa yimid ka dib markii xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay saluugeen qaabka loo maray dhismaha Baarlamaanka Jubba, Madaxda Jubba ayaa horay u sheegay in mooshinkan yahay mid aan sharci ahayn hadii la sii wadana ay keeni karto xiriir xumo soo kala dhex gala Federaalka iyo maamulka Jubba siduuba horay u sheegay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
lama garan karo sida uu sharci ahaan ku yahay Mooshinkan, maadaama markii horeba baarlamaanka Juba aan lagu dhisin oggolaanshaha iyo rabitaanka Baarlamaanka Federaalka, iyo sida ay shaadooda u tahay in ay kalsooni kala noqdaan qof aysanba siin markii hore.





