Xukuumada Ra’iisul Wazaare Cumar C/rashiid Oo Maanta Magacowday Taliyayaasha Ciidanka Booliska Iyo Asluubta.

0
443

Golaha Wasiirada Cukuumada  federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah isugu yimid shirkoodi caadiga ahaa, waxaana shir guddoominaayey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Wasiirada ayaa ka doodey magacaabista xubnaha buuxin lahaa boosasoka taliyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, Waxaa golaha horyaaley Gen. Maxamed Xasan Xaamud, in loo magacaabo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya waxaana golahaha wasiiradu si buuxda isugu raaceen in xilkaas loo magacaabo Gen. Xaamud oo horey u ahaan jirey Wasiirkii Gaashaandhigga sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey sirdoonka Soomaaliya.

Sidoo kal Golaha Xukuumadda ayaa xilkii ka qaadey Taliyihii ciidanka Asluubta waxaana ay u magacaabeen Gen. Bashiir Goobe oo hadda ahaa Xildhibaan, horeyna u noqdey Taliyaha ciidanka sirdoonka.

Golaha Xukuumadda ayaa magaacibsta taliyaasha u gudbiyey Madaxweynaha si uu digree ugu soo saaro.

Golaha Wasiirada ayaa sido kale meel amriyey siyaasadda lagu dhaqaayo Hoteelada sida gaarka ah loo lee yahay oo dhibaato dhanka amniga ah ay la soo gudboonaatey, xeerkaas cusub ayaan saxaafadda loo soo bandhigin.