Dilalka Qorsheysan Oo Muqdisho Ku Soo Badanaya Iyo Gudoomiye Waaxeedyo Dhowr Ah Oo La Dilay.

0
516

Subaxnimadii maanta waxaa xaafadda Kaalsa bal-ballaare ee magaalada Muqdisho lagu diley sarkaal ka tirsanaa ciidanka Asluubta oo lagu magacaabo Col. Cabdullaahi Sarmaan. Dilka Col. Sarmaan ayaa noqonaya qofkii 4aad ee lagu dilo Muqdisho muddo 24 saac ah kaas oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Maalintii shalay waxaa la diley laba masuul oo ka kala tirsanaa maamulada Xamar jajab iyo Dayniile, sidoo kale waxaa suuqa bakaraha lagu diley Xildhibaan hore oo lagu magacaabo Xaaji Cali, kaas oo ka tirsanaan jirey Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa.

Dilalakan soo badanayaa ayaa wel-wel ku abuurey dadka Muqdisho, iyada oo an qofna loo qaban dilalkan.

Maalintii shalay Afhayeenka Amniga Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in al-Shabaab ay geysan doonaan weerar, ma sheegin halka weerarkan ku wajahan yahay iyo nooca uu yahay, waxaana jidad badan lagu arkaayey ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Al Shabaab ayaa sheegatay in ciidankoodu ay saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ka fuliyeen dilal qorshaysan Iyagoona Ku Hanjabay In Ay Sii Wadi Doonaan Dilalka Ay La Bartilmaameed sanayaan Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya Iyo Shaqsiyaad Kale .