XOG:- Muxuu Axmed Cabdisalaan Ka Doonay Degmada Guriceel

0
596

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Axmed Cabdi Salaan Xaaji, ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha uu u tagay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo uu hada ku sugan yahay.
Axmed Cabdi Salaan, ayaa sheegay in ujeedada uu u tagay Magaalada Guriceel ay tahay adkeynta heshiiskii Dowladda iyo Ahlu Sunna dhexmaray iyo sidoo kale in dadka ay dib ugu soo noqdaan Magaalada Guriceel.
Wuxuu sheegay in Magaalada Guriceel ay joogaan ciidamo ka socda Amisom, gaar ahaan kuwa Ethiopia oo uu sheegay inay ka qayb qaadanayaan Nabadda Magaalada Guriceel, sidoo kalena waxa ay xaqiijinayaan dhaqan galka heshiiska xabad joojinta.
“Waxaan usoo baxay in la xoojiyo nabadda heshiis baa ka dhacay heshiiskii wuxuu u baahan yahay laftiisa in la tuso ciidan kale oo dhex-dhexaad ah oo xaqiijiya in xabada aysan sii socon sababtoo ah hadii xabada ay sii socota dhibaatada wey sii badanaysaa nabada soo durki mayso, si dadka u wada hadlaan waa in la xaqiijiyaa xaba joojinta.” Ayuu yiri Axmed Cabdi Salaan.
Axmed Cabdi Salaan, ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada ay joogaan ciidamo Ethiopian ah ciidamadaasina ay la mid yihiin kuwa kale ee Amisom ee jooga Magaalooyinka kale ee dalka, waxaana ay ka shaqeynayaan buu yiri ammaanka iyo Nabadda Magaalada Guriceel.
“Ciidamada Amisom waxa ay xaqiijinayaan in nabadda si adkaato Bulshada meesha ku dagaalantay in khilaafka laga dhexsaaro, ciidamada Amisom wey joogayaan Wasiirka Gaashaandhiga ayeey la shaqeynayaan ciidamadaas amniga ayeey sugayaan sida xamar ay u joogaan ayeey u joogaan.” Ayuu warkiisa ku daray Safiirka Ethiopia ee dalka Soomaaliya.
Safarka Axmed Cabdi Salaan uu ku joogo Magaalada Guriceel, ayaa waxaa ku wehliya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale oo Magaaladaasi ku sugan