Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in rag hubaysan Magaaladaasi ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Askarigaan ayaa xalay lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Buundaweyne ee Magaalada Baledweyne, sida uu xaqiijiyay Col.Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Hiiraan.
Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Diiriye Cabdullaahi, iyadoo raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada Booliiska Magaalada Baledweyne, ayaa waxa ay wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, waxaana ay ku baadigoobayaan cidii ka dambeysay dilka Askarigaasi.
Muddooyinkaan dambe Magaalada Baledweyne waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo Askarta Dowladda iyo sidoo kale Odayaasha Nabadoonada ah ee Magaaladaasi ku nool.
Baraha Internet-ka ee Shabaab ay ku baahiyaan wararka ayaa lagu qoray in Askari ka tirsan ciidamada lagu dilay Magaaladaasi, raggii dilayna ay ka baxsadeen, waxaana warka lagu muujiyay in ciidamo ka tirsan Shabaab ay dilka Askarigaasi ka dambeeyeen.
Booliiska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaano, lagu raadinaayo dadka dilalka ka dambeeya, inkastoo dilalkii horay uga dhacay Magaalada aan loo soo qaban dad lagu eedeynaayo





