Marwo Faadumo Siciid oo ka mida xisbiga mucaaradkaa ee Wadani ayaa waxay ka hadashay wada hadaladii fashilmay ee Somaliland iyo Somaliya ku dhexmarayey dalka Turkiga, waxaanay tilmaantay in Somaliland marka horaba ogayd in miiska wadahadalada la soo fadhiisinayo dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse ay xukuumada Somaliland ay dirtay waftigeeda iyaga oo og cida la soo diraayo.
Marwo Faadumo Siciid waxa ay sidaasi ku sheegtay mar ay shalay u waramaysay telefishanka Bulshotv, waxaanay sidoo kale waxay ka hadashay doorasho dalka ka qabsoonta wakhtigeeda inay muhiim u tahay Somaliland lana qaban karo hadii aanay ka cago jiidin xukuumada iyo Komishanka Doorashooyinku.
Marwo Faadumo Siciid oo arimahaasi ka hadlaysaan waxa ay tidhi “Aanagu arintani wadahadalada Somaliland iyo somaliya waa arin aanu mawqifkayaga aanu ka dhiibanay maalintii aanu la kulanay somaliland way ogayd in miiska wada hadalada la soo fadhiisinaayo dad dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland laakiin arin taasi waxay muujinaysa kala daad sanaanta muqadis la aanta xukuumada Axmed Silaanyo sababta oo aha qof lagu yidhi ka joog halkaasi qalad ayaa kaaga horeeya hadana ku sii socda ee markii uu soogubtay yidhi guul ayaan kala soo noqday taasi waxaan u arkaa mid mawqif la’aana”
Faadumo Siciid oo hadal keeda sii wadata ayaa waxay ka hadashay arimaha doorashoyinka waxayna tidhi, “Wakhtigan aynu imika taaganahay waa wakhti aad iyo aad u xaasasiya waana wakhti ay kala daad sanaan xoogani ka muuqato xukuumada Axmed Silaanyo wadan keenuna uma baahna oo kaliya isbadal ee bad-baado ayuu u baahan yahay waad arkaysaan qaarkamida goboladeeni waxa ka taagan xuukuumada la ftigeedi waad arkaysaan in ay ka muuqato kala daad sanan, mawqif la’aan, isku kal sooni la’aan waxaad kale oo aad arkaysaan wasiiradi oo is casilaaya markaasi waxaa waajib noqotay in ay is bahaystaan axsaabti mucaaradka iyo madashu oo bad-baadada wadanka ilaaliyan waxaana uu doonaya in qofkasta oo nabadgalyo ku noolado oo uu cadaalad ku noolado iyo in aan marna calankeena hoos lodhigayn, dawladeenana inaga ayaa dooranay oo xoog ku may iman laakiin waa in ay doorashada wakhtigeeda qabataa oo aanay maalin dhaafin waxaanan isku bahay sanaynaa waajib na saran uun oo nabadgalyo leh iyo in muqadas nimada Somaliland la ilaaliyo, komiishankana waxaanu leenahay sida ugu dhakhsaha bdan in ay noogu sheegay xiliga doorashadu qab soo mayso