Ciidamo badan oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar dhinacyo badan ah ku qaaday degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo uu ka jiro maamulka dowlada Soomaaliya.
Ciidamadaasi ayaa weerarka ku qabsaday degmadaasi oo muddo ayay maamulayeen, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Jubbatimes Online.
Waxay degmada inta ay joogeen ku dileen askari ku sugnaa saldhiga magaalada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxay degmada horay aykaga kaxeysteen labo gaari oo mid kamid ah uu lahaa gudoomiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
DOwlada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin weerarkii Alshabaab ku qaadeen magaalada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose