Muddada lagu dhisaya baarlamaanka Jubbaland oo la shaaciyay

0
631

Masuuliyiinta maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay muddada kama dambeyska ah ee ladoonay in lagu soo idleeyo dhismaha baarlamaanka uu yeelanaya maamulka Jubbaland.

Masuuliyiinta ayaa sheegay iney doonayaan in muddo Todobo maalin ah lagu soo idleeyo dhismaha baarlamaan uu yeesho maamulkaasi, sida madaxda aysheegeen.

Mudadaasi ayaa waxaa la qorsheynayaa iney kusoo dhamaadaan kulamada kala duwan oo ay yeelanayaan waxgaradka soo xulaya xubnaha baarlamaanka maamulkaasi uu yeelanayo.

Waxaa maagaalada Kismaayo ka soconaya kulamo gaargaar ah oo ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka ee baarlamaanka soo xulaya iyo masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba