Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo Sheegay In Shirka New Deal U Dhacayo Sidii Loo Qorsheeyey

0
305

arrimaha-banaankaC/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha khilaafka madaxda dowladda iyo shirka New Dealka ee todobaadka dambe ka furmaya Copenhagen loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Ducaale Beyle ayaa sheegay in shikra Copenhagen uu u qabsoomidoono sidii loo qorsheeyey madaxda dalka oo midaysan aka qayb galayaan isagoo meesha ka saaray walaaca ay beesha caalamka ka qabaan ka qayb galka madaxda dowladda oo khilaaf dhexyaalo, Wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya yahay hal dal, hal qaran iyo hal umad ayna ka tashan karaan aayahooda.

Khilaafka Madaxda ayuu wasiirka arrimaha dibada sheegay in uu yahay mid ku yimid shaqo dowladnimo una baahan tahay in xal laga gaaro mana noqonayo ayuu yiri mid dalka ka hor istaagay shirarka hormarka iyo dhaalaha loogu arruurinayo dalka Soomaaliya sida shirka New Deaal.

Hadalka wasiirka ayaa imanay xili dowladdaha taageera Soomaaliya walaac ka muujiyeen khilaafka u dhaxeeya Madaxda dalka waxaana ka mid ah dowladdaha Maraykanka oo sheegay in uu san ka qayb galayn shirka Copenhagen iyo Britain oo iyaduna walaac ka muujisay waana labada dowladood ee sida weyn u taageera Arrimaha Soomaaliya.