Dowladda Uganda ayaa shaqa joojin ku samaysay 15 ka mida Saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada howl galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ka dib markii saraakiishan lagu eedeyey in ay gaysteen dambiyo la xiriirka dhanka jinsiga.
Afhayeenka Militeryga dalka Uganda Paddy Ankunda ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in dowladda Uganda baaritaan wado oo ku aadan ku lug lahaanshaha eedeynta dhanka Jinsiga ee loo jeediyey Ciidamada AMISOM in ay ku lug leeyihiin saraakiishan hadii lagu helana go’aan laga gaarayo.
Dhawaan ayey ahayd markii hay’ada xuquuqul Insaanka ay soo saartay warbixin ay ku eedeynayso ciidamada AMISOM oo ay dusha ka saareen kufsiyo ka dhacay xeryaha ciidamadu ku sugan yihiin iyagoo adeegsanaya darajo ciidan, lacag iyo raashin.
Dalka Uganda ayaa ah dalka keliye ee baaritaan ku sameeyey ciidamadiisa ku sugan dalka Soomaaliya tan iyo markii hay’ada Xuquuqul Insaanka ku eedeysay AMISOM kufsi, Dalkan ayaa ah dalalkii ugu horeeyey ee ciidamo u soo dira Soomaaliya 2007.




