Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Duulay Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Ethopia.

0
484

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya oo uu ka furmayo shir maalin ah oo looga hadlayo xaalada dalka Koonfurta Sudan oo cakiran muddo ka badan sanad.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa iskugu jira wasiiro, Xilhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada, waxaana garoonka ku sagootiyey gudoomiyaha baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga yaabaa in uu khudbad ka jeediyo shirka Koonfurta Suudan uga furmaya Addis Ababa oo uu kaga hadlayo xaalada gobolka iyo sida lagu xalin karo khilaafaadka ka jira.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh la filayaa in uu la kulmo madaxda dalka Itoobiya kulama uu la qaato Ra’iisal wasaaraha dalkaas iyo wasiirka arrimaha Dibada wararka aynu helayno ayaa sheegay in ay kala hadli doonaan khilaafka xoogan ee ka jira dalka ee u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal wasaaraha dalka.