Mooshin Ka Dhan Ah Raìisul Wasaare C/wali Oo Baarlamaanka Loo Gudbiyay

0
509

YUULMooshin ka dhanka ah Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta loo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in 140 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka kalsoonidda looga noqonayo ra’iisul-wasaaraha.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida uu sharcigu dhigayo waxaa laga filayaa inay mooshinkan hor-keenaan baarlamaanka si cod loogu qaadayo.

Xidlhibaannadan ayaa taageersan madaxweynaha Soomaaliya oo khilaaf weyn uu kala dhaxeeyo Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh.

Mooshinkan ayaa muujiyana in khilaafka labada mas’uul u dhaxeeya la xalin waayay, isla markaana la filayo in baarlamaanku uu kala saaro.