Gole Ay Ku Midoobeen 10-Xisbi Siyaasadeed Oo Looga Dhawaaqay Magaaada Muqdisho (DAAWO SAWIRADA).

0
537

1 2 3 4 5 6 7 8Xafladaani Ayaa Waxa Ay ka dhacday Hotel Aaran Ee Magaaada Muqdisho Iyadoona lagu dhawaaqay gole cusub oo la magac-baxay golaha isu-tagga xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya, kaasoo ay  ku midoobeen 10- xisbi siyaasadeed .

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaano baarlamanka DF ka tirsan, haween, dhalinyaro, culumaa’uddiin, aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee golaha Isu-taga xisbiyada siyaasada Soomaaliya, Cali Maxamed Nuux Timajilic oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa ka waramay ujeeddada loo aasaasay golaha iyo himilooyinka uu higsanayo, isagoo yiri. “Golahan waxaa loo aasaasay sidii uu marxaladda kala guurka ah ee dalka uu kaalin uga qaadan lahaayeen, looguna tallaabi lahaa nidaamka axsaabta siyaasadeed iyo doorashooyin xor ah.” Isagoo intaas ku daray in himilada ay higsanayaan ay ka mid yihiin sidii xisbiyadu ay isaga kaashan lahaayeen doorashoooyin xor ah oo dalka ka dhaca sannadka 2016-ka.

Guddoomiyaha xisbiga Al-Ummah oo ka mid ah xisbiyada golahan cusub ku midoobay, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isna hadlay ayaa xusay inay xisbiyadu yihiin isku hadaf, muddo dheerna laga soo shaqeynayay dhismaha golahan.

“Somalida waxaa kala dhan-taalay tafaraaruq iyo qabyaalad, fariinta ugu weyn ee asxaab-tanna waxa weeye inay dadka tusaan in la midoobi karo, si wadajir ahna wax loo qabsan karo,” ayuu yiri Sakariye Maxamuud oo ka mid ah ahaa asaasayaashii isbahaysigii dib u xoreynta ee Asmara lagu aasaasay sannadkii 2007-dii.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud guddoomiyaha xisbiga DADKA oo isna ka hadlay ayaa xusay in axsaabta ku midowday golahan uusan isu keenin qabiil; balse ay u midoobeen Soomaalinimo.

Waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay munaasabadda xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Somalia oo ay ka mid yihiin; Daahir Amiin Jeesow iyo Khaliif Maxamuud Xaaji oo xisbiyada midoobay u hambalyeeyay; iyagoo u rajeeyay inaysan noqon ururo sidan oo kale horey loo aasaasay oo dib ka baaba’ay, balse ay noqdaan kuwo ka dhabeeya mabaadi’da ay ku midoobeen.

Guddoomiyaha golaha isu-taga xisbiyada siyaasada ee Soomaaliya, C/llaahi Shiikh Xasan oo gunaanadkii munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in wada-tashi 10 xisbi siyaasadeed u soo socday dhowr bilood ay ka dhalatay in maanta ay ku dhawaaqaan golahan.

“Xisbiyadan horay ayay u dhisnaayeen; maantana gole cusub ayay ku midoobeen; kaddib markii ay isku feker ka noqdeen arrimaha dalka ka taagan iyo himilooyinka la higsanayo mustaqbalka,” ayuu yiri C/llaahi Sh. Xasan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha golaha isu-tagga xisbiyada siyaasada Somalia ayaa dhaliilay waxqabadka guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan hirgelinta nidaamka asxaabta badan; kuwaasoo uu sheegay inay ku guul-dareysteen inay soo saaraan sharciga asxaabta iyo doorashooyinka, isagoo dhinaca kale ugu baaqay madaxda Somalia inay deg-deg xal uga gaaraan khilaafka u dhexeeya oo uu xusay inuu khatar gelinayo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa waxaa hadallo isugu jiray taageero, guubaabo iyo dardaaran ka jeediyay xubno ku kala hadlay qaybaha bulshada, majmaca culummada Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka ururka haweenka Qaranka Soomaaliya iyo kuwo kale.