Cali Maxamuud Raage (Cali Dhere)Afhayeenka Guud Ee Al-Shabaab ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan weerarada ay ku hayaan Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Amisom.
Afahayeenka al-shabaab ayaa Ugu horeyn waxa uu ka war bixiyay Weeraradii Ugu Dambeeyey Ee Ka Dhacay Muqdisho Iyo waxa u qorsheysan iyo sidoo kale dagaalada xiriirka ah ee ay Dagaalyahanadooda Ku Hayaan Amisom Iyo Ciidanka Dowlada Soomaaliya Isagoona ku goodiyay iney dhici doonaan hawl gallo ka daran kuwa hadda ka socda magaalada Muqdisho.
Cali Dheere Ayaa Sidoo kale ka waramay khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda iyo arimo kale Wuxuuna ugu dambeyntii baaq u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan.




