
Waxaa maanta oo Talaada ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo wajigii ugu danbeeyey ee dib u heshiisiinta beelaha ku dhaqan gobalada Jubooyinka.
Shirkan ayaa ah mid la doonayo in lagu heshiisiiyo maamulka Jubba iyo kooxda uu hogaamiyo Col.Bare Hiiraale oo dhawaan laga soo qaaday xaruntuu ku lahaa magaalada Goobweyn ee duleedka Kismaayo.
Shirkan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka qeyb galaan beelaha ku dhaqan sadexda gobal ee Gedo, J/dhexe iyo J/Hoose.
Balse waxaa soo baxayey maalmihii lasoo dhaafay murran ku aadan qaabka uu shirka u dhacayo iyo waliba xiliga la furayo shirkan.
Maamulka KMG ee Juba oo shirkan qaban qaabintiisa leh ayaa sheegay inuu furmayo maanta oo ku beegan 16ka September, halka Col.Bare Hiirale oo hada ku sugan Muqdisho uu sheegay in shirkan furmayo 1da bisha Oktoober.
Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo Axadii dib ugu soo noqday magaalada Kismaayo kadib safar uu ku tagay dalka Kenya, ayaa wada wadahadalo uu laleeyahay xubnaha maamulkiisa iyo qabaa’ilka ku dhaqan gobaladaasi.
Waxaa dhinaca kale soo baxaya warar sheegaya in shirkan Kismaayo uu ka qeyb geli doono Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Shiikh Maxamud, walow warkaasi aysan weli si rasmi ah u xaqiijin Madaxtooyada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka ayaa la sheegay inay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha Jubooyinka, waxaana laga soo xigtay qaar kamid ah hawlwadeenada Madaxtooyada in Madaxweynaha uu ka codsaday Raysalwasaaraha inuu tago shirka Kismaayo, balse Raysalwasaaraha ayaa doorbiday inuu aado shirkii Baydhabo ee dhismaha maamulka Koonfur Galbeed.




