Madaxweyne Xasan Sheikh Max’uud Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0
478

xasaWafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamud ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Kismaayo oo xarun u ah Maamulka Jubba oo ka dhicidoonto shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Kismaayo Madaxda Maamulka KMG ah ee Jubba, masuuliyiinka socda IGAD iyo bulshada Kismaayo, Madaxweynaha waxa uu si rasmi ah ufurayaa shirka dib u heshiisiinta qaybtiisa Labaad.

Magaalada Kismaayo ayaa ilaa shalay waxaa ku sii qulqulayey wafuud ka socda Dowlada, IGAD, odayaal dhameed iyo ergooyin kale oo danaynaya in ay ka qayb galaan shirka dib u heshiisiinta ee Kismaayo.

Shirkan dib u heshiisiinta waxaa soo qaban qaabiyey Urur Goboleedka IGAD, dowlada Federaalka iyo Odayaal dhaqameedka soo jeeda Beelaha dega Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo loogu gogol xaarayo shirar kale oo lagu dhameynayo khilaafka ka jira Goboladaas oo garab ka mida uu ka soo hor jeedo maamulka KMG Soomaaliya.