Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Xaraga Ka jarey Shirka Weynaha Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka.

0
511

shiShirweynaha waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socdey beesha caalamka. Shirkan oo ay hormood ka tahay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka una matalayaan 13 xubnood oo isugu jira saraakiisha sarsare ee Wasaarada iyo Gudiga dib-u-heshiisiinta qaran. Xubnaha wasaaradda ka socda waxa uu waajibkoodu yahay in ay hubiyaan habsami u socodka shirwaynaha iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirweynaha dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka ayaa marka hore u mahad-celiyey ergooyinkii shirka ka soo qeyb-galay iyo maamulka KMG.

“Maanta waxaa halkaan ka furmay shir dib u heshiisiin, dib u heshiisiintu waxay ku timaadaa dadka oo quluubtooda la isku xiro. Wado dheer ayaa la soo maray, waxaa lagu soo jiray howlo dhib-badan, waxaase mahad ilaahey ah inaan maanta halkaan nimid. Sidaad ogtihiin maamul oo dhan waxuu ku soo dhamaadaa talada dadka meesha ay ka go’do, sidaan waxay ku suurowday in maamul jiro, intaan iyo in ka sii qurux badanna waan rajeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in shirka lagu soo biiriyo cid walba oo tabasho qabta “Shirkaan waxaan ka rajeyneynaa in inta haatan fadhiisa laba jibaarkeeda in ay ku soo biiri doonaan inta uu socdo, maamulka KMG ee Jubbana waxaan ka rabnaa in ay dadka wax tabanaya la soo dhaweeyo laguna soo biiriyo shirkan, Guusha maamulka hadba waxay ku xiran tahay inta aan yareyo tabashada, waxaan ku amaanayaa masuuliyiinta maamulka Jubba dulqaadka iyo gaabiska badan ay u muujiyeen inta wax tabaneyso”.

“Dowladda Federaalk waa idinla joogeysaa oo waa fududeyneysaa shirka waxaana ka go’an in meeshaani maamul ka dhismo kaas oo u adeega dadka degan gobollada Jubbooyinka gacana ka geysta dib u dhis guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Gur Guurte.