Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya Ayaa dhawaan waxaa ay shaaciyeen Howlgal loogu Magac daray Badweynta Hindiya,kaas oo ujeedkiisu yahay in qeybaha Soomaaliya ay ka joogaan Al-shabaab laga saaro Oo Gacanta Dowlada Lagu Xaqiijiyo Waxaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM u suuro gashay in ay Gacanta ku dhigaan Degmooyin iyo Deegaano Muhiib ah oo Al-shabaab ay horey u maamuli jireen.
Howlgalkaasi Ayaa Qaar ka mid ah Askartii ku soo dhaawacantay Waxa Ay Ka Cabanayan Xaalad Caafimaad daro,kadib markii ay sheegeen in Dhaawacyo Halis ah ay dagaalada ka soo gaareen oo Dowladda Soomaaliya ay Hilmaantay.
Bishii hore 24-keedii ayey Dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday inuu bilowday Howgal loogu magac daray Badweynta Hindiya taasi oo lagu doonayo in lagu soo afjarayo jiritaanka Ururka Al Shabaab.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Guud Ee Ciidanka Dawlada Soomaaliya oo dhaliisha loo jeedinayo kaga jawaabayaan waxaana dadka qaar ay sheegayaan in lug qabasho ay noqoneyso hadii ciidankii dhaawacmay aysan dawlada daryeel siineyn kuwa hadda udagaalamayana laga yaabo inay is yiraahdaan hadaad dhaawacanto adna Cid Ku Daryeleyso Ma Jirto




