Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Howlgallo ballaaran waxey Saakey ka wadaan Xaafado ku teedsan Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Howlgalladan ayaa si toos ah waxey Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay uga fulinayaan Warshada Caanaha ee Degmada Hodan waxaana la tilmaamay lagu baacsanayo Dagaal yahano ka mid ah Al Shabaab.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladan lagu sugayo amaanka Magaalada Muqdisho Iyadoona ay tilmaameen in looga hortago dhibaatada iyo Weerarada Al Shabaab.
Waxa hakad galay isu socodka Gaadiiid iyo dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee ka jiray Xaafadaha ay howlgallada ka socdaan Iyadoona aan wali la shaacin Cadadka lagu soo qab qabtay Howlgalladan.
Isbuucii la soo dhaafay ayaa Qarax Miino oo qasaaro kala duwan geysatay waxaa Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed lagula eegtay Xaafada Warshada Caanaha, Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.




