AL-SHABAAB OO TOOGATAY SADDEX NIN OO AY KU EEDEYSAY BASAASNIMO

0
508

Ururka Al-shabaab ayaa maanta degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ku toogtay seddex nin oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen Dowladaha Soomaaliya,Mareynkanka iyo Kenya.

Raga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxay kala yihiin Saalax Fu’aad Cusmaan oo 24 jir oo lagu eedeeyay inuu jaajuus u ahaa dowladda Soomaaliya, Maxamed Cumar Diiriye oo 22 jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu u basaasayay sirdoonka Mareykanka iyo Maxamed Aadan Ibraahim oo 26 jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Kenya.

Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaaro ah oo ku taalo degmada Baraawe halkaasi oo ay isugu soo baxeen dad weyne fara badan oo daawanayay.

Al-Shabaab waxay saddex maalmood ka hor ku dishay deegaanka Buulo-Mareer ee isla gobolka Shabeellaha Hoose saddex nin oo ay ku eedeysay inay si qarsoodi ah ula shaqeynayeen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.20626