Waxuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud Xalay kula kulmay Xarunta Madaxtooyada Guddi ay soo xuleen Xildhibaanadii Mooshinka ka soo gudbiyay.
Guddigan oo ka kooban 20 Mudane islamarkaana Wakiil ka ah Xildhibaano ka soo horjeeda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan Albaabado u xirnaa waxaa muddo saacado ah ay ku wada qaateen Xarunta Villa Somalia.
Ilo ka tirsan Xafiiska Villa Somalia oo la hadlay Garoowenews Online ayaa sheegay kulankan uu ahaa mid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka damacsanaa in lagu xaliyo Khilaaf kala dhaxeeya Xildhibaanada BFS qaarkood.
Mas’uul u hadlay Gudiga Xildhibaanada Madaxweynaha ka soo horjeeda ayaa sheegay in Qodobadii Madaxweynaha ay isla meel dhigeen ay ku Celindoonaan Xildhibaanada soo diray.
Waxaa jiray in Xildhibaano gaaraya 115 Xildhibaan ay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ay ka gudbiyeen Bayaan ay ku Dalbanayeen in uu Iskacasilo Xilka ,maadaama uusan Dalka wax u qaban.




