Faah faahinadda laga helayo weerarkii maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in inta la xaqiijjiyay ay ku dhinteen weerarkaasi illaa 25 qof oo shaqaalaha Baarlamaanka iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan.
Sidoo kale Wararka ayaa intaasi kudaraya in ay jiraan dhaawacyo fara badan oo ka dhashay weerarkaasi.
Weerarka ayaa gabi ahaan soo gaba gaboobay waxaana goobta gebi ahaan iminka dib ula wareegay gacan ku heynteeda Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Muuqaalka Golaha shacabka ayaa shaabaha in uu yahay saaxo dagaal oo kale waxaa kuu muuqaneysa meydad iyo dhaawacyo gidaarka Xarunta tuban.
Xildhibaanada ku dhaawacmay weerarka inta la xaqiijiyay ayaa ah Seddex Mudane kuwaas oo kala ah.
1: Xildhibaan Cumar Finish.
2: Xildhibaan Faarax Cawad.
3: Xildhibaan Saciid Daahir.
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo aan xiriiro kala duwan la sameynay ayaa tilmaamay in dhibaatada maanta dhacday ay muujineyso daciifnimada dowladda Soomaaliya ee hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.
DSC_1353
Xildhibaan Cumar Finish
DSC_1355
Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka
DSC_1395 DSC_1391 DSC_1390 DSC_1387 DSC_1337 DSC_1377 DSC_1336 DSC_1335 DSC_1331 DSC_1326 DSC_1296 DSC_1297 DSC_1319 DSC_1320 DSC_1291 DSC_1288 DSC_1286 DSC_1285 DSC_1284 DSC_1283 DSC_1282 DSC_1281 DSC_1277





