MAREYNKANKA OO CAMBAAREEYAY WEERARKII LAGU QAADAY XARUNTA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA

0
479

Ergayga gaarka ee Mareynkanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty oo ka hadlay weerarkii maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tacsi u diray Ehaladii dhibanayaashii weerarka,isagoona Ciidamada Dowlada ku amaanay sida deg dega ah ee Jawaabta kaga bixiyeen markii uu weerarka bilowday.

Wuxuu sheegay Ergayga Mareynkanka u qaabilsan Soomaaliya in weerarkaan ay qaadeen Shabaab uu qeyb ka yahay Falalka amaanka lidi ku ah ee ka dhaca Soomaaliya,isagoona balan qaaday in Mareynkanka uu sii wadi doono taageerada Dowlada Soomaaliya ee ku aadan arimaha amaanka iyo hormarka Soomaaliya intaba.

Mr McAnulty ayaa meesha ka saaray in weerarada ceynkaani oo kale wax u dhimayaan xiriir ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareynkanka.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya,iyagoona horay sidani oo kale weeraray xarumaha muhiimka ah ee Dowlada Sida Maxkamada dalka iyo halka dalka lagaga arimiyo ee Vill Soomaaliya.

Mareynkanka ayaa horay Shabaab ugu daray Liiska waxa loogu yeero argagxisada.