Taliyaha Booliska Saldhiga Degmada Hodan Korneel Maxamed Daahir oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Qarax Miino oo Saakay lala eegtay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi indho Qorshe oo maraayay Wadada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.
Taliyaha waxa uu Sheegay in aysan jirin wax Qasaaro ah oo soo gaaray Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamadii la socotay waxa uuna intaasi ku daray in ay jiraan Khasaao soo gaaray dad Shacab ah oo Goobta Qaraxa ka ag dhawaa.
Korneel Maxamed Daahir Taliyaha Booliska Saldhiga Degmada Hodan ayaa sidoo kale Sheegay in Ciidamada Dowlada Howlgalo ay sameeyeen ay ku soo qabqabteen dad looga Shakisan yahay iney ka dambeeyeen Qaraxaasi waxa uuna Sidoo kale Shegay in ay sameynayaan Howl galo Joogto ah oo loogu hor tagayo Qaraxyada Noocaan oo kale.
Saakay ayay ahayd markii Qarax Miino lala Eegtay Gaari uu Saarnaa Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi indho Qorshe mana jirto Cid si rasmi ah u Sheegatay Qaraxaasi.




