Dowlada Turkey oo cambaareesay Muwaadin looga Dilay Muqdisho

0
483

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlada Turkiga ayaa lagu cambaareeyay Dil Shalay Muwaadin u dhashay Dalkeeda loogu gaystay Isgoyska KM4 ee gudaha Magaalada Muqdisho.

“Aaad ayaan uga xunahay Dilka loo gaystay Sadettin Doğan oo u shaqaynayay shirkad amaanka qaabilsan oo ka howlgasha Erapoorka Caalamiga ah ee Muqdisho”” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowlada Turkiga.

Dowalda Turkiga ayaa sidoo kale waxa ay tacsi tiiraanyio leh u dirtay eheladii iyo Qarabadii uu ka geeriyooday Sadettin Doğan, oo Shalay Kooxo hubeysan ay ku toogteen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ugu dambayn Masuuliyiinta Dowlada Turkiga ayaa ka dalbaday Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay samayso baritaan buuxan islamarkaana ay cadaalada horkeento kooxihii ka dambeeyay falka foosha xun ee loo gaystay Muwadinkeeda sida warka ka soo baxay Dowlada Turkiga lagu yiri.

Dilalka qorshaysan ayaa Muqdisho joogta ka ah iyadoo Dilalka qaar aysan jirin cid loo soo qabto ama cadaalada loo horkeen.turkiga2-150x150