Sababaha DFS u diiday ka qeyb-galka Shirka Nairobi oo la shaaciyay

0
556

Mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Fah Faahin ka bixiyay Sababaha ay uga qeyb-gali waayeen Shirka looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga ee ka dhacay Nairobi.

Axmed Cabdi Kariin Daahir, Guddoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa u sheegay Warbaahinta in Kenya ay jebisay Heshiiskii Bishii November 10-keedi 2013 ay wada saxiixdeen Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga (UNHCR).

“Dowladda Soomaaliya kama qeyb galayso Shirka Nairobi mar hadii ay Dowladda Kenya jebisay Heshiiskii aan saxiixanay 2013 ee ahaa in aan si qasab ah dib loogu soo celin karin Qaxootiga dalka Soomaaliya,”ayuu yiri Axmed Cabdi Kariin Daahir.

Wuxuu xusay in Ciidamada Kenya ay wali sii wadaan Raafka & Dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda Islii, taasina ay Xadgudub ku tahay Xaararka Caalamiga ah ee Arrimaha Qaxootiga iyadoo sidoo kale Kenya xirtay Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalkeeda jooga.

Hadalka Axmed Cabdi Kariin Daahir, ayaa imaanaya Maalin kadib markii uu baaqday Shir u dhaxeeya Kenya, Soomaaliya & UNHCR oo ka dhici lahaa Shalay Magaalada Nairobi, iyadoo Sababaha uu Shirkaasi u baaqday ahaa in Dowladda Federaalka ah aysan ka qeyb galin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Warqad furan u dirtay Todobaadkan dhigeeda Kenya, taasi oo lagu sheegay in Xukuumadda Muqdisho aysan Shirka kasoo qeyb galayn.

Xariirka Kenya & Soomaaliya, ayaa marba marka ka danbaysa sii xumaanaya, iyadoo Ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin Gudaha dalka, sidoo kalena gacan ka siinaya Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo Amaanka.knyassssee-620x330