Fah Faahin: Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ‘Isku-day Dil’ ka badbaaday

0
191

Wararka dheeraad ahaa ayaa kasoo baxaya Weerar Qarax ahaa oo Maanta oo Arbaco ah lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Jen. Daahir Aadan Cilmi ( Indha-qarshe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ayaa ka bad baaday Qarax loo adeegsaday Miino Wadada qarkeeda la dhigay, taasi oo lala eegtay Baabuur u galbinaysay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, ayaa waxa uu dhacay Saakay Saacadihii hore waxaana uu ka dhacay Wadada Warshaddii hore ee Caanaha ee Degmada Hodon, iyadoo mid kamid ah Baabuurta Taliyaha ay bur burisqraxasertrew-620x330ay Miinada.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Hodon, Col. Maxa’ed Daahir Cabdulle ayaa KON u sheegay in Jen. Daahir Aadan Cilmi ( Indha-qarshe), uu ka bad baaday Weerarka, balse Haweeney Goobta ka agdhoweyd uu Dhaawac Fudud kasoo gaaray kadibna loo qaaday Isbitaal.

“Taliyaha Ciidanka & Saraakiishii la socotay wax Dhibaato ah kama soo gaarin Qaraxii Miino ee lala damacsanaa in lagu dilo, waxaan samaynay Howlgal aan kusoo qabanay 30 Qof oo lala xariirinayo Weerarka, kuwaasi oo hadda Su’aalo lagu weydiinayo Saldhiga Booliska Degmada Hodon,” Col. Maxa’ed Daahir Cabdulle ayaa sidaasi u sheegay KON.

Warar kale ayaa sheegay in qaar ka tirsan Illaada Taliyaha ay ku dhaawacmeen Qaraxa, kadib markii Gaari ay saarnaayeen lala helay Miinada oo ahayd mid laga hagayay (Remote-control).

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa fashilmay, iyadoo ku hanjabay Weeraro kale oo ka dhan ah Saraakiisha Ciidanka & Madaxda kale ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shalay Galab, Isgoyska Km4 ee Muqdisho waxaa lagu dilay Saadettin Dogan oo ahaa Madaxii Amaanka Shirkadda Diyaaradaha Turkisha Airline Xafiiskeeda Muqdisho, kadib markii Koox hubaysan oo watay Gaari NOAHA ah ay Daaqada Gaariga uu watay Saadettin Dogan.