Isbtaalka Kenyatta oo buuxdhaafiyay iyo Khasaaro sii kordhay+SAWIRO

0
518

Waxaa wali isa soo taraya Khasaaraha dhimsho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyo is-xagay oo Shalay ka dhacay Suuqa Gikomba ee Magaalaa Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya .

Khasaaraha dhimashada ayaa gaadhay ku dhawaad 15 Ruux Iyadoona dhaawaca uu ka batay halkuu taagnaa balse iminka uu marayo 83 waxaana intooda badan la dhigay Isbtaalka guud ee Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Ciidamada Booliska Kenya oo Qaraxa kadib howlgallo ballaaran sameeyay ayaa soo qabtay labo Ruux oo dhalashooda lagu sheegay Soomaalia balse aan dhab ah loo ogeyn kuwaasi oo lagu eedeeyay ee Weerarka Bambka ahaa in ay ku qaadeen Suuqa Gikomba ee Magaalada Nairobi.

Dhinaca kale, ku dhawaad 600 oo ka soo jeeda Dalka Britain ayaa isaga hulaalay Magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee Dalka Kenya kadib markii laga baqay in Weeraro Agagixiso ay ka dhacaan Kenya.

Sidoo kale, Muwaadiniintan Reer Galbeedka ah oo ka baxay Mombasa iyo Nairobi ayaa waxey sababtay in Ilaha dhaqaalaha Dowladda Kenya uu hoos u dhaco waxaana arintaasi loo sababeeyay dhibaatada ka imaanta Dagaal yahanada Al Shabaab ooku xiran Al Qeada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo muddo daqiiqado ahaa hadalo kooban ka jeediyay Madaxtooyada ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyeen Ciidamada amaanka si buu yiri looga hortago “Falalka Argagixiso ee Kenya”

qnairobi11 qnairobi12 qnairobi13 qnairobi14 qnairobi15 qnairobi16 qnairobi17 qnairobi18 qnairobi19 Scene of twin explosions at the Gikomba market in Nairobi qnairobi21 qnairobi22 qnairobi23 qnairobi24 qnairobi25qnairobi13