WARBIXIN: Muxuu Axmed Madoobe ka doonay Jabuuti+SAWIRO?

0
457

Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka duulay Garoonka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, Isagoona u kictamay Dalka Jabuuti.

Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Cismaaciil Cumar Gelle oo iminka isna ku sugan Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka.

Madaxweye Gelle iyo Axmed Madoobe ayaa la shaacin waxa ay ka wada hadli doonaan balse waxaa Ilo la hadlay Garoowenews Online ay sheegayaan in labada Mas’uul ay ka wada arinsan doonaan taageerida Maamulka Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale, Axmed Madoobe uu kala hadli doonaa Cismaaciil Cumar Gelle in teegeero hiil iyo hooba uu la garab istaago Maamulka KMG ah ee Juba kaasi oo iminka u muuqda in uu ka madax banaan-yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Axmed Madoobe, Hogaamiyaha Maamulka Juba ayaa la socda Xubno kala oo ka tirsan Maamulkiisa waxaan Axmed Madoobe uu shaaciyay in guul ay ka soo hooyi doonaan kulamada Cismaaciil Cumar Gelle uu kula qaadan doono Magaalada Jabuuti.

10157395_382473091893598_8650359777937065061_n 10170755_382472798560294_5976314678677438569_n 10313339_382473078560266_1207361967894661149_n10170755_382472798560294_5976314678677438569_n