Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ayaa waxaa u xiran Wadooyin muhiim ah oo soo gala Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool Iyadoona Dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban la’dahay halkaasi.
Wadooyinka Al Shabaab u xiran ayaa saameyn ballaaraan waxey ku yeesheen Shacabka kala duwan ee ku Nool Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool kuwaasi oo soo food saartay Xaalada Nolol-Xumo.
Salmaan Ibraahin Cali, oo ka mid ah Dadka Degaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Al Shabaab ay jireen Wadooyin muhiim u ah Xudur islamarkaana aan soo geli Karin Gawaarida sida Mucaawinada ee loogu tala galay Dadka tabaalysan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa dhaawan shaaca ka qaaday in Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka oo laga saaray Al Shabaab in aan la geyn Karin Cuno sabab dhanka amaanka ah isagoona dalbaday in lagu gaarsiiyo Diyaaradaha qumatiga u kaca.
Hadii aan isku dayno in aan Cuno iyo Biyo gaarsiino Degaano dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa wadada u galaya Ururka Al Shabaab balse waxaa loo baahan yahay Diyaarado air copter” sidaasi ayuu yiri Xasan Sheekh.
Hadalka Salmaan Ibraahin Cali ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Al Shabaab ay wali ku xoogan yihiin Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya inkastoo laga saaray hadana waxey soo bandhigaan mararka qaarkood Awoodooda.




