Kooxo hubeysan ayaa Xalay Madaafiic Khasaaro isugu jiora dhimasho iyo dhaawac geystay waxey ku qaadeen Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Goobjooge ayaa sheegay in ku dhawaad 2 Madfac ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan Degamada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxuuna tilmaamay in Weerarkaasi ay ku geeriyootay Haweeney, Isagoona sidoo kale xusay in ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 4 kale.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Boondheere ee Maamulka Gobolka Banaadir Qaasin C.laahi Xasan oo la hadlay Idaacadda ku taala Muqdisho Xalay ayaa sheegay in Madaafiiicda laga soo tuuray Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
“Haa, waa sax labo Hoobiye ayaa ku dhacday Xaafado ka tirsan Degmada aan Guddomiyaha ka ahay balse waxaa hubaal ah in Madaafiicdan laga soo riday Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir” sidaasi ayuu yiri Guddoomiyaha.
Waxuuu sidoo kale qeexay Qaasin C.laahi Xasan Guddoomiyaha Degmada Boondheere in Dadka ku dhaawacay Weerarkii Xalay in loo qaaday Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada Muqdisho kuwaasi uu tilmaamay in Xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana taa Diliil u ah in maanta Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka iyo Siyaasada Degmada Hiliwaa uu ka badbaaday isku day Dil waxaana sidoo kale Qarax ku geeriyooday maanta Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka Degmada Xamar-Jajab kadib markii Qarax lagu xiray Gaariisa.




