DEG DEG: Ruux ka soo jeeda Turkey oo lagu Dilay Muqdisho

0
484

Sida Goobjooge la hadlay Garoowenews Online uu sheegay, Muwaadin u dhashay Dalka Turkey kana mid ahaa Shaqaalaha Dowladda Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ayaa Kooxo hubeysan waxey ku toogteen bartamaha Magaalada Muqdisho.

Marxuumkan ayaa lagu Dilay Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in markii la Dilayay ay la socotay Gabar Soomaali ah Iyadoona Kooxihii Dilka geystay la tilmaamay in ay ku baxsadeen Gaarigiisa.

Muwaadinkan oo lagu magacaabi jiray Saadatiin ayaa ahaa sida la sheegay Madaxii Amniga ee Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airways oo Xafiis ku leh Meel u dhaw Safaaradda Turkiga ee KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, falkan lagu Dilay Ninkan ka soo jeeda Dalka Turkiga ayaa waxuu saameyn ku yeelan karaan Shaqaalaha Dowladda Turkiga ee ku sugan Muqdisho kuwaasi oo laga yaabo in Xaalad amaan ay isaga hulaalaan Magaalada Muqdisho.Bistoolad