Waxaa Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ay sheegayaa in Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay maanta Madaafiic Culus ku garaaceen Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.
Goobjooge la hadlay Garoowenews Online ayaa xusay in Weerarka Madaafiicda ahaa ee Al Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Buulo-Burde in ay ku dhinteen ku dhawaad 2 Ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen kuwa kale.
Waxuu Goobjoogaha sidoo kale Garoowenews Online u sheegay in Al Shabaab ay Madaafiicda ku weerareen Saldhiga Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee Degmada Buulo-Burde.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Weerarka uga jawaabeen Madaafiic kale kuwaasi oo lagu tuuray Degaano lagu tuhmay Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Khasaaraha ka dhashay Weerarka Jawaabta ahaa ee ka soo baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la shaacin ilaa iyo hada halka uu la egyahay balse warar ayaa sheegay in Shacab ay wax ku noqdeen.



