DEG DEG: Al Shabab oo gubay Gaari iyo Dagaal socda

0
67

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa ku soo waramaya in maanta Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku gubeen Gaari saarnaa Khaad.

Al Shabaab oo Gaarigan ku qabtay Degaanka Gasarta ee Duleedka Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay gubeen Khaadkii saarnaa Gaariga islamarkaana ay hore u kaxeesteen Gaariga sida uu Goobjooge u sheegay Warqabadka Garoowenews Online ee Baydhabo.

“Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ayaa gantaalo ku tuuray Gaari waday Khaad markii uu istaagayna waxaa ay gubeen Khaadka waxaana sidoo kale ay wateen Gaariga laga dejiyay Khaadka, ma garanayo halka ay la aadeen” sidaasi Goobjoogaha ayaa sheegay.

Dhinaca kale, Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo taageero ka helayo kuwa Itoobiya iyo Ururka Al Shabaab ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Gasarta ee Duleedka Baydhabo.

Ugu yaraan labo Ruux ayaa ku dhimatay kuwa kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaalkii maanta Degaanka Gasarta ku dhexmaray Ururka Al Shabaab iyo Ciidamada Huwanta ah.

Ugu dambeyn, Degaanka Gasarta ayaa 10Km waxuu jiraa Magaalada Baydhabo ee Xareunta Gobolka Baay.download-43