Ahlu Sunna oo badbaadisay Nabadoon lagu weeraray Gurigiisa

0
290

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen Guriga Nabadoon Idiris Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Gedo.

Kooxahan oo ku hubeysnaa Qoryo ayaa waxaa la sheegay in ay gar-garaaceen Guriga Nabadoon Idir balse Rasaas ooda kaga qaaday kadib markii uu diiday in uu furo Albaabka waxaana Nabadoonku uu u qeylo dhaamiyay Ciidamada Ahlu Sunna oo meesha ka dhowaa.

Guriga Nabadoon Idiris oo ku yaala Degmada B.xaawo ee Gobolka ayaa Israsaaseyn waxey ku dhexmartay Ciidamada Urur Diimeedka Ahlu Sunna iyo Dableydii soo weerar tagtay sida uu sheegay Goobjooge.

Idiris Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Gedo oo Xalay ka badbaaday Isku Day Dil oo lagu damacsanaa in lagu Khasarajiyo ayaa ka badbaaday Iyadoona Kooxihii Weerarkaasi soo qaaday ay iska baxsadeen.

Majiro hadalo madaxbanaan oo ka soo baxay Maamulka Degmada B/xaawo ee Dowladda Soomaaliya taasi oo ku aadan on Kooxo hubeysan ay ku dhiirato in Weerar fool ka fool ay ku Dilaan Nabadoon ka tirsan Waxgaradka Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolka Gedo.
images-14