Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka culus ee lagu qaaday Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo weerar toos ah iyo qaraxyo lagu qaaday.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay howlgal gaar ah ka fuliyeen xarunta Golaha shacabka, xilligaasi oo ay ku shirsanaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta Shabaabka, ayaa xaqiijiyay inay iyaga masuul ka yihiin weerarka xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho lagu qaaday.
Horay Al-Shabaab waxa ay weerar noocaan oo kale ah ay ugu qaadeen xarunta Maxkamadaha dalka, Xarunta Madaxtooyada, Xarunta UNDP.




