Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa AMISOM iyo ciidamada Dowladda Federaalka ayaa gaaray xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Baarlamaanka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga saaray xarunta Golaha shacabka intooda badan, waxaana dabaqa xarunta Golaha shacabka saaran ciidamo Dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo kuwa AMISOM oo weli dagaalamaya.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in raga xarunta Golaha shacabka soo weeraray afar kamid ah la dilay, kuwaasi oo meydkooda yaala Afaafka hore ee Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.
Lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka qaraxa iyo dagaalka isugu jira, weli rasaasta ayaa dhaceysa, gaadiidka Ambalaaska ayaa dhawaaqaya, gurmadka ciidanka Dowladda ayaa gaaraya xarunta Golaha shacabka.
Dadka Reer Muqdisho ayaa ku hadlaya intooda badan taleefoonada gacanta oo wax iska weydiinaya xaalada Magaalada.
Ciidamada AMISOM ayaa ridaya rasaas xoogan oo shacabka reer Muqdisho ay argagax ka qaadeen.
Weli Dowladda war kama soo bixin.
Rasaasta ayaa hada istaagtay xoogaa laakiin mar-mar ayaa waxaa lamaqlayaa rasaas culus oo ay ridayaan ciidamada AMISOM.




