Wakiilka Barre Aadan Shirre Barre Hiiraale oo la hadlay Idaacadda ku taala Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hogaamiye Axmed Madoobe aysan kula jirin wax wada hadal ah.
Wakiilka Barre Hiiraale Cabdi Shire Warsame, ayaa ku tilmaamay been abuur iyo warar aan sal iyo raad laheyn in Wadahadal ay kula jiraan Maamulka KMG ah ee Juba islamarkaana uu Hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Waxuu Wakiilka xusay in Axmed Madoobe Xabad maahanee wax kale aysan kala dhaxeyn sida uu hadalka u yiri Wakiilka Barre Hiiraale Cabdi Shire Warsame.
“Diyaar uma nihi in wahadal meel ka soo qaad ah aan la galno Maleeshiyaadka uu horkacayo Axmed Madoobe balse waxaa shaaca ka qaadayaan in wax hadal ah ee naga dhaxeeya in uusan jirin” sidaasi ayuu yiri Wakiil.
Ugu dambeyn, Barre Hiiraale iyo Ciidamo uu horkacayo oo ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa la sheegay in halkaasi ay ka wadaan abaabul iyo dhaq dhaqaaq Ciidan islamarkaana looga soo horjeedo Axmed Madoobe.




