WARBIXIN: Isfahan ka dhaxeeya Kenya iyo Al lShabaab

0
256

Kadib weerarkii Westage Mall ee ka dhacay sanadii tagtay ee 2013 Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya, Dad badan oo Kenyaan ah ayaa xiligaasi laga soo bilaabo cabsi ku hoos nool, wallow Howlgalka loogu magacdaray la dagaalanka Argagaxisadda uu ka caraysiyay dad badan oo Muslim ah sababayna in qaar ka mid mabda ahaan ay tageraan Xarakada Shabaab .

Weeraradda bombaano iyo kuwa tooska ah ayaa joogta ka noqday dalka Kenya tan iyo markii Ciidamada Kenya ay dulaan ku soo galeen Soomaaliya Sanadii 2011, kaliya todobaadkii hore waxaa la weeraray Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa waxa ay dowlada Kenya ku eedaysay Weeraradaasi AL-Shabaab wallow Xarakada aysan Sheegan Masuuliyada Weeraradaasi.

Kenya iyadoo ka jawaab celinaysa Weerarada dalkeeda ka dhacaya ayaa waxa ay jawaab uga dhigatay in ay xabsiyada dhigto Kumaan Soomaali ah oo qaar ka mid ah ay u soo masaafurisay dalka Soomaaliya halka qaar ka mid ahna ay dib ugu celisay Xeryaha qaxootiga dalka Kenya, arintaasi oo Hay’addaha u dooda xuquuqul adanaha ay ku tilmaameen mid ka baxsan banii’aadanimada.

Warbixinta ayaa lau yiri waxaa intaasi dheer ollale lagu qaarajinayo Culamada waa wayn ee dalka Kenya waxaa tusaale loo soo qaatay dil bil ka hor gudaha Magaalo xebeedka Mombassa ee dalka Kenya loogu gaystay wadaad caanka ahaa Magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Abuubakar Shariif oo loo yaqiinay (Makaburi ) oo noqday wadaadkii Sadexaad ee lagu dilo gudaha Magaalo xebeedka Mombassa, iyadoo ay xusid mudantahay in Makaburi uu tageeray weerarka ka dhacay Suuqa ganacsi ee Westage Mall kaas oo Masuuliyadiisa ay sheegatay Dhaq dhaqaaqa Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Warbxinta ayaa lagu tilmaamay in Dagaalka uu u socdo sidu uu abaanduule Shabaab katirsan u sheegay Tvga Chanel 4 oo ahayd in Xarakada Shabaab iyo Kenya ay isfahan ka dhaxeeyo laba gesood ah oo ah (HA ITAABANIN KU TAABAN MAYEE) waxaa tusaale kuugu filan in Ciidamo Kenyaan ah ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya halka AL-Shabaab dagaalyahanadoodana ay ka howlgalayaan gudaha Kenya.

Warbxinta ayaa lagu yiri Abaandiuulaha ayaa wxaa la waydiyay sababta ay weeraradooda uga gaystaan Magaalada Nairobi iyo Momabassa ? waxaana ku jawaabay waliga ma fiirsatay Barnaamijyadda ka hadlaya Xayawaanaadka waayo mararka qaar waxaad arkaysaaa Libaax dhulka dhigaya Maroodi dilayana waxa ayna taasi ku mujinaysaa in waynida aysan ku xirnayn cida ay guusha raacayso.

Warbxinta ayaa lagu xusay in sidoo kale Abaandulaahasi Xarakada Shabaab ka tirsan uu sheegay in hadii ay sii wadaan Weerarada ay ka gaysanayaan Magaalooyinka waa wayn ee Kenya ay keeni doonto in dhaqaalo daro ay soo food saarto Kenya iyo shaqala aanta dadka Kenyaanka ahna oo sii korarta.

Warbxinta Tvga Chanel 4 ayaa ugu danbayn lagu sheegay in Abaandulaasi Dhaq dhaqaaqa Shaabab ka tirsan uu intaasi ku daray in Kenya dagaalkeeda Soomaaliya uu qaadan karo oo kalaiya 10 sano, 20 sano ama ugu badnaanba 30 sano ., waxaana Warbxinta ciwaaan looga dhigay Kutaabani Mayee ha itaaban.download-18-150x150