Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee Soomaaliya oo la eedeeyay

0
486

Maxkamad Milatari oo ku taala dalka Uganda ayaa sarkaal sare oo lagu Magacaabo Major Samuel Tumwebaze oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ka soo shaqeeyay waxa uu ka sheegay in taliyahiisii hore ee Col. David Matua uu u diiday in Ciidamada in ay adeegsadan baabuurta taangiyadda dagaalka ee la keenay Magaalada Muqdisho si ula kac isagoo khatar galiyay Nolasha askar badan oo Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan ka mid ahaa.

Tumwebaze ayaa ka sheegay Maxkamada horteeda in uu ku eedeeynayo Col. David Matua in uu si kas ah ugu diiday Ciidamada Uganda in ay adeegsadaan Taangyadda dagaalka, uuna sidii loogu talagalayna uu shaqadiisa u gudan.

Tumwebaze oo hadalkiisa sii wata aya sheegay in Col. David Matua arintasi diidamada ah uu ku dhaqaqay bishii June, Julaayo, August ee sanadii tagtay ee 2013 xiligasi oo dagaalka Xarakada Shabaab lagula jiray uu ahaa mid xoogan.

Col. David Matua ayaa waxa uu sidoo kale ku eedeeyay in uu Amar ku siiyay Capt. Eriya Kiberu oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda in uu ka dago gaaari gaashaaman oo uu la socday xilli uu socday howlgal isagoo khatar galiyay nolasha sarkaalkasi sida uu Major Samuel Tumwebaze uu Maxkamada ka hor cadeeyay.

“Waa la yaabay sababata uu noogu diiday in aan adeegsano baaburta dagalka ee Taangiyadda khatarna u galiyay nolasha askar badan” ayuu Yiri Major Samuel Tumwebaze .

Dowlada Uganda aaya marar badan dib ugu wacday saraakiil Ciidamadeeda jooga Soomaaliya ka tirsan si loogu maxkmadeeyo dalka Uganda iyagoo wajahayo eedaymo ay kamid thay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Maxkamadaynta Sarkaalka ka tirsan ciidamada Uganda ayaa dib loo dhigay ilaa bisha May 5, iyadoo sidoo kale dhawaan Sida uu daabacay Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howl galka AMISOM ayaa la sheegay in ay tababar siiyeen 10 dagaalyahanno oo Xarakada Al Shabaab ka tirsan dabayaqadii bishii May laguna tababaray Xerada Jazeera ee Magaalada Muqdisho66717011_66716232