Guddoomiyihii Wardhiigley oo Xilka Wareejisay

0
555

Munaasabad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Waxaa Munaasabadan si rasmi ah Xilka Gudoomiyenimo ee Degmada Wardhiigley loogu magacaabay Yaasiin Nuur Ciise isagoona badalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Deeqo C/qaadir Axmed.

Deeqo C/qaadir Axmed, Gudoomiyihii hore ee Degmada oo Munaasabada hadalo ka jeedisay ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Gudoomiye Cusub loo magacaabo Degmada Islamarkaana Iyada badala waxaana ay ka dalbatay Shacabka in ay la shaqeeyaan Maamulka Cusub.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Yaasiin Nuur Ciise oo isna ka hadlay Madasha ayaa shaaca ka qaaday in muhiimada 1 aad uu siin doono xasilinta amaanka Degmada Wardhiigley ee maanta loo magacaabay.

Waxuu sidoo kale tilmaamay Maamulkiisa uu ku dhaqmi doono Cadaalada isagoona xusay in Bulshada looga baahan yahay la shaqeynta Maamulkiisa si buu yiri looga hortago dhibaato ka dhacda Degmada.

Tan iyo markii Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muugaab ayaa Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir waxaa ka dhacay Isbadalo iyadoona tiro Gudoomiyeyaal ahaa Xilka laga qaaday.32